Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

Published: December 23, 2020
by: Horseed Staff

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay guddiga la socodka dastuurka ee baarlamaanka Soomaaliya, guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista dastuurka iyo wasaaradda dastuurka Soomaaliya ayaa tilmaamay muhiimadda u leeyahay dastuur dhammeystiran geeddi-socodka siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay guddiyada dastuurka shaqadii seddaxdii sano ee lasoo dhaafay ay ka soo qabteen qabya-tirka dastuurka iyo heerka wanaagsan ee ay soo gaarsiiyeen, wuxuuna adkeeyay sida ay dowladda uga go’antahay hirgelinta dastuur dhammeystiran.

Dhankooda, guddiyada dastuurka iyo wasaaradda dastuurka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay caqabadaha ku xeeran dhammeystirka dastuurka iyo guulaha ay ka gaareen dadaalkoodii ku aaddanaa dhammeystirkiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka guddoomay hey’adaha qaabilsan dastuurka nuqul dhammeystiran oo ku saabsan qodobbadii dib-u-eegista ay ku sameeyeen iyo habraacii lagu shaqayn lahaa.

Kulankan waxaa ka qaybgalay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ra’iisul wasaare Rooble, wasiirka dastuurka Saalax Axmed Jaamac, guddoomiyaha guddiga la socodka dastuurka ee baarlamaanka Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista dastuurka Maxamed Daahir Afrax iyo xubno ka tirsan labada guddi.

Horseed Media