Trump ayaa u magacaabay xeer ilaaliyaha guud nin xagjir ah oo fadeexad ku habsatay

Published: November 14, 2024
by: Hanad Askar

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu u magacaabi doono nin garabka fog ee Jamhuuriga ah Matt Gaetz inuu noqdo xeer ilaaliyaha guud ee maamulkiisa.

Xildhibaan Gaetz oo laga soo doorto gobolka Florida, ayaa lagu yaqaan xagjirnimo mayalka adag, oo Trump u ah taageere daacad ah.

Qoraalkiisa, Trump wuxuu ku sheegay waxyaabo ay ka mid yihiin, in Gaetz “uu soo celin doono iimaankii iyo qalbigii xumaaday, kalsoonida dadka Mareykanka ay ku qabaan waaxda cadaaladda.” Ka dib warka magacaabista, Gaetz wuxuu ku dhawaaqay inuu iska casilayo Congress-ka.

Sumcada Gaetz ayaa hoos u dhacday sannadihii u dambeeyay, waxaana ka mid ah fadeexad la xiriirta ganacsi sharci darro ah, in uu galmo la sameeyey gabdho yaryar iyo in uu la tacaamulay kuwa galmada iibiya, laakiin waaxda caddaaladda ayaan waligeed dacwad ku soo oogin. Si kastaba ha ahaatee, Gaetz waxa uu weli ku sii socdaa baaritaanka guddiga anshaxa ee aqalka.

Gaetz ayaa marar badan dafiray inuu sameeyay khalad wuxuuna meesha ka saaray eedeymaha ah inuu galmo la sameeyay ilmo aan qaan gaarin ama uu lacag galmo ku bixiyay.

Xulashada wasiirada ee uu sameeyay Trump ayaa wali ah in ay ansixiyaan Senate-ka Mareykanka bilowga sanadka soo socda, marka uu Trump xafiiska la wareego.

Senatarrada dimuqraadiga ah, iyo kale qaar ka mid ah senatorada Jamhuuriga, ka dib markii uu soo baxay warka magacaabista Gaetz, ayaa shaki geliyay inuu ka badbaadi doono habka kalsooni siinta.

HORSEED MEDIA