Akhriso: Liiska Guddiga Farsamo Ee Dowlada Federaalku U Magacawday Shirka Turxaan-bixinta Doorashada

14 February, 2021

Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shirka 15ka Febraayo u magacaabay…

Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shirka 15ka Febraayo u magacaabay guddi farsamo oo ka kooban xafiiska madaxweynaha, xafiiska raysal wasaaraha, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Guddiga farsamo ayaa u gogol xaarayaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaranku ay isugu imanayaan kaasoo lagu dhammeystirayo wadahadalladii arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.

Xubnaha guddiga uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay waxa ay kala yihiin;

1- Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac: Wasiirka  Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya

2- Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji : Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

3- Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Puntland.

4- Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde: Wasiirka Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Puntland

5- Xirsi Jaamac Gaanni: Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Jubaland.

6- Mursal Maxamed Khaliif: Wasiirka Caafimaadka Dowlad-goboleedka Jubaland

7- Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel): Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Galmudug.

8- Aadan Cusmaan Xuseen (Qoryooley): Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Dowlad-goboleedka Galmudug.

9- Axmed Madoobe Nuunow: Wasiirka Qorsheynta Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed.

10- Maxamed Abuukar Cabdi: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed.

11- Maxamed Cali Caadle: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Hirshabelle.

12- Caasho Khaliif Maxamed: Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowlad-goboleedka Hirshabelle.

13- Basma Caamir Axmed: Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir.

14- Xiireey Axmed Rooble: Xoghayaha Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u rajeeyay guddigan in ay u gutaan waajibaadka loo igmaday si hufan oo ay xilkasnimo ku jirto, waxaana wareegtada magacaabista Guddiga warbaahinta u Akhriyey Afhyeenka Xukuumadda Macalimuu.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *