Puntland oo Xalisay Tabasho ka taagnayd gobolka Gardafuu-SAWIRO

Published: April 26, 2021

Xukuumadda Puntland ayaa xal ka gaartay xiisad mudooyinkii dambe ka taagnayd degmada Caluula ee gobolka Gardafuu halkaas oo ciidamo ka gadooday dowladda ay ku sugnaayeen.

Ciidamada ayaa waxa ay ka amar qaadanayeen masuul horey uga tirsanaa Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland oo lagu magacaabo Mahad Cali Carar kaasoo tababasho ka tirsanayay dowladda isla markaana madaxweyne Deni markii dambe uu cafis u fidiyay

Wasiiro iyo xildhaano ka tirsan Dowladda Puntland ayaa degmada Caluula u tagay sidii xal rasmi ah looga gaari lahaa tabasha iyagoo ugu dambeyn ku guuleystay xalinteeda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment