Dowlada Soomaaliya Oo Beenisay Warar Ay Sheegeen Warbaahinta Kenya

19 May, 2021

Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya ee xilgaarsiinta, Mahdi  Maxamed Gulled ayaa beeniyay warar lagu faafiyay warbaahinta…

Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya ee xilgaarsiinta, Mahdi  Maxamed Gulled ayaa beeniyay warar lagu faafiyay warbaahinta Kenya oo sheegaya in labada dowladdood ay heshiis ka gaareen muranka badda.

Raysal Wasaare ku xigeenka oo qoraal soo dhigay bartiisa twitterka ayaa warkaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

“ Warbaahinta ayaa qortay in Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen inay qeybsadaan lacagaha ka soo baxa saliida iyo gaaska 50/50 waa mid aan sal iyo raad toona lahayn. Waxaan ka sugeynaa xukun cadaalad ah ICJ oo ku saabsan muranka baddeena ”

Mahdi Guuleed

Warbaahinta Kenya ayaa qortay in Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen inay si siman u qeybsadaan lacagaha ka soo baxa saliida iyo gaaska ku jira aag baddeedka lagu muransan yahay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *