Wasiir Timacade: ” Deni Afkiisa Kama Hayno Inuu Yahay Musharax Madaxtinimada Soomaaliya “

Published: July 8, 2021

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Cabdillaahi Xirsi Timacade oo waraysi siiyey idaacadda BBC-da ayaa ka hadlay kasoo yeeray wasiirka qorshaynta Soomaaliya, Jamaal Xasan, kaas oo ahaa inuu madaxweyne Deni u taagan yahay xilka madaxtinimada Soomaaliya.

Wasiir Timacade ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka wasiir Jamaal, isagoo sheegay inaysan jirin meel uu madaxweynaha Puntland kaga dhawaaqay inuu yahay musharax.

” Anagu madaxweynaha afkiisa kama hayno musharax baan ahay, Soomaalina kama oga, laakiin tuhun waa iska jiri karaa, arrintaas anagu ma hayno, arrinta musharaxnimaduna waa arrin shaqsi ah madaxweynaha ayey ka go’daa, isaga ayaa laga rabaa inuu yiraahdo musharax baan ahay, xiligeediina lama gaarin oo lama joogo, waxa uu Jamaal ku eedeyno Puntlandna wax ka jiraa ma jiraan “

Wasiir Timacade

Wasiirka qorshaynta dowladda federalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ku eedeeyey inuu faraha kula jiro arrimaha doorashada, isagoo sheegay inuu yahay musharrax madaxweyne.

Wasiir Jamaal oo qoraal soo dhigay bartiisa twitterka, ayaa ku yiri sidatan,

”Madaxweyne Deni maaddaama uu yahay Musharax Madaxweyne, waa inuu faraha kala baxaa dhammaan arrimaha la xiriira doorashada & inuu si deg deg ah u joojiyo faragelinta arrimaha guddiyada farsamada doorashada. kama aamusnaan karno faro galinta qaawan iyo qaddarin la’aanta Puntland,”

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *