Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa magacaabay xubnaha guddiga Baarlamaanka u qaabilsanaan…
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa magacaabay xubnaha guddiga Baarlamaanka u qaabilsanaan doona qabashada doorashada xubnaha Aqalka Sare ka soo gelaya Jubbaland.
Xubnahan oo ka kooban sagaal Xildhibaan ayaa waxaa Warbaahinta u akhriyay Guddoomiyaha Habdhowrka Baarlamaanka Jubbaland Xildhibaan Shukri Weyrax Kaariye oo sheegay in Sagaalka xubnood ay labo ka mid ah yihiin gabdho, waxana ay ka shaqeyn doonaan qabashada doorashada xubnaha Aqalka Sare ka soo gelaya Jubbaland.
Magacyada Xildhibaananda ayaa kala ah:-
- Xildhibaan Axmed Siraad Gulicha
- Xildhibaan Bashiir Axmed Cumar
- Xildhibaan Sheekh Maxamed Cabdisalaan
- Xildhibaan Maxamed Cabdi Naasir
- Xildhibaan Salaad Cumar Magaanga
- Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Cali (Kalaay)
- Xildhibaan Foos Cali Cabdiraxmaan
- Xildhibaan Xuseen Xirsi Axmed iyo
- Xildhibaan Sahra Ibraahinm Dable
Doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa lagu wadaa inay dhacdo 25 ka illaa 28 ka bishan Luulyo, sida ku cadayd jadwalkii shalay ay shaaciyeen guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal.