Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska oo Muqdisho lagu diley

Published: May 3, 2024

Sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka Booliska oo magiciisa lagu sheegay Col Aadan Cumar Axmed oo loo yaqaaney Aadan Biit ayaa lagu dilay meel aan ka fogeyn xarunta Iskool Boliisiya ee magaalada Muqdisho.

Kooxda dilka geysatey ayaa goobta ka baxsadey, mana jirto cid loo qabtey dilkan.

Booliska ayaa bilaabey baaritaan ay ku baadigoobayaan kooxda dilka geysatey oo lagu sheegay in ay ahaayeen laba qof.

Goobta dilku ka dhacay ayaa ah goobaha ugu amniga badan magaalada Muqdisho.

Horseed Media