Wasiir Dubbe Oo Hakiyey Kirayntii Tiyaatarka Qaranka

30 August, 2021

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa hakiyey ijaarka…

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa hakiyey ijaarka iyo dib u hawlgelinta maqaaxida Tiyaatarka Qaranka.

Isago oo fulinaya amarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble kaddib markii qaar kamid ah Abwaanadda iyo fannaaniinta Qaranka ay muujiyeen cabasho eek u aadan arrintaan.

“Aniga oo fulinaya amarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda” ayaa lagu yiri; qoraal uu soo saaray wasiir Dubbe.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *