
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa hakiyey ijaarka iyo dib u hawlgelinta maqaaxida Tiyaatarka Qaranka.
Isago oo fulinaya amarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble kaddib markii qaar kamid ah Abwaanadda iyo fannaaniinta Qaranka ay muujiyeen cabasho eek u aadan arrintaan.
“Aniga oo fulinaya amarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda” ayaa lagu yiri; qoraal uu soo saaray wasiir Dubbe.
Horseed Media