20 September, 2021
Dhinacayada kasoo jeeda Somaliland ee xubnaha ka ah Dowlada Federaalka oo ay kala hogaaminayaan Guddoomiyihii Aqalka…
Dhinacayada kasoo jeeda Somaliland ee xubnaha ka ah Dowlada Federaalka oo ay kala hogaaminayaan Guddoomiyihii Aqalka Sare iyo Raysalwasaare kuxigeenka ayaa soo saaray sharuudaha murashaxiinta u tartamaya Aqalka Sare iyo wadada loo marayo doorashada xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland.
Qoraalka Axadii la shaaciyey oo ay ku xusan yihiin 7 sharuud oo laga doonayo inuu buuxiyo murashax iyo qaabka loo soo xulayo murashaxiinta u tartami doonta 11 kursi ee Somaliland ku leedahay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.