Wasaaradda Gargaarka oo deeq gargaar ah gaarsiisay magaalada Xudur

11 January, 2022

Deeqdaan gargaarka ah oo loogu talagalay danyarta ku nool magaalada Xudur oo ah lixtan iyo bar…

Deeqdaan gargaarka ah oo loogu talagalay danyarta ku nool magaalada Xudur oo ah lixtan iyo bar oo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu talagashay in dadka abaartu saamaysay lagaarsiiyo, waxaana Magaalada Xudur ay ka mid tahay magaalooyinka ugu daran ee saameynta abaarta aad looga dareemayo kumanaan kun barakacayaal ahna dulsaaran yihiin.

Deeqada ayaa waxay ka kooban tahay cuntada quutul daruuriga noocyadiisa kala duwan, inkastoo baahida jirta marka loo fiiriyo ay aad u yartahay tirada raashiinka oo lix tan iyo bar ah, hadana waxay dabka u shidaa qoysaska nasiib u yeesho oo gar gaarkaan lagaarsiiyo.

Gargaarkaan raashiinka waxa garoonka diyaarada kula wareegey maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xudur oo usbuucyadii lasoo dhaafay direy digniino ku aadan in deg deg loogu soo gurmado xudur oo bulshada gobolka bakool intooda badan isugu yimaadeen.

Guddoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed iyo Guddoomiyaha Gobolka Bakool Shiine Macalin Nuur oo uga mahadceliyey Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa codsaday in gargaar ku filan lala soo gaaro shacabka Bakool oo abaar iyo go’doomin isku darsaday oo deegaan kale ugurman karo aysan jirin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *