24 March, 2022
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadle…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadle ah iyadoona looga hadlay Amniga, xaaladda Abaaraha, Maciishada iyo nabadeynta Saaxmeygaag iyo Sangejabiye.
Shirka Golaha Wasiirada Waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
Shirka ayaa lagu lafaguray sida wax looga qabankaro xaalada abaaraha ee saameeyay deegaannada Puntland iyo nabadeynta Saaxmeygaag iyo Sangejabiye.