RW Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay gudoomiyeyaasha KMG ah ee BF

15 April, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan gaar ah la yeeshay labada…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan gaar ah la yeeshay labada guddoomiye ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Rooble ayaa guddoomiyeyaasha KMG ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka cusub wuxuu kala hadlay sidii loo dardar-gelin lahaa dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhaban-cad oo ah guddoomiyaha ku meel gaar ah ee golaha shacabka iyo Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo isna ah guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka Sare ayaa si wadajir ah u iclaamiyey in berri oo Sabti ah ay furmayaan kulamada labada Aqal.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *