Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ayaa maanta iska dhex doortay xubnaha Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha…
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ayaa maanta iska dhex doortay xubnaha Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddiga ka imaanaya dhinaca Aqalka Sare ayaa ka kooban 6-xubnood, waxaana lixda xubnood ay Aqalka Sare ku matelayaan Guddiga doorashada Madaxweynaha ee labada Gole.
Guddigaan oo lagu daray Guddiga uu soo magacaabayo Golaha Shacabka ayaa ka shaqeyn doona qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha , iyagoona soo saari doona Jadwalka doorashada oo maalmaha soo socda lagu wado inay ka dhacdo Magaalada Caasimadda ee Muqdisho.
Magacyada xubnaha Guddiga ayaa kala ah:
- Sen. Cali Maxamuud Gacal (Koonfur galbeed)
- Sen. Cabdi Ismaaciil Samatar (Somaliland)
- Sen. Cabdiqani Geelle Maxamed (Puntland)
- Sen. Farxaan Cali Maxamuud (Glamudug)
- Sen. Ibraahim Awgaab Cismaan (Jubbaland)
- Samsam Cabdullahi Axmed (Hirshabeelle)