Sheekh Aadan-Siiro oo lagu aasay Magaalada Hargeysa

Published: July 17, 2022

Alle ha u naxariistee marxuum Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-siiro) oo dhawaan ku geeriyooday dalka Hindiya ayaa maanta lagu aasay xabaalaha Baqiic ee waqooyiga Hargeysa.

Aaska Sheekha waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo ay wehelinayaan madaxda Somaliland ugu sarraysa oo ay kamid yihiin guddoomiyaha maxkamadda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, guddoomiyaha golaha wakiillada, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal ciidan, culimaa’uddiin kumannaan katirsan qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo janaasada marxuumka ku tukaday.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn tacsi u diray ehelka marxuumka, bahda culimada iyo guud ahaanba shacabka, waxana uu marxuumka ku sifeeyey samofale weyn oo dunida korkeeda kaga tegay sunneyaal khayri ah oo bulshada manfacaya.

Marxuum Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey (Aadan-siiro), ayaa kamid ahaa culimada waaweyn ee Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Somaliland, waxana uu caan ku ahaa samo-falka bulshada, wax bixinta iyo horumarinta danta guud.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *