Natiijada Imtixaanada Dugsiyada Sare ee Puntland 2022 ee shahaadiga ah oo la shaaciyey

Published: August 6, 2022
Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland 2022

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Puntland.

Cabdullaahi Siciid Salaad oo kasoo baxay dugsiga sare ee Salaaxudiin Boosaaso ayaa noqday ardaygii ugu sareeyey guud ahaan imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland 2021/22022

Cabdullaahi Siciid Salaad
Abdullahi Axmed Maxamuud iyo Abdiwaaxid Axmed Maxamuud

Abdullahi Axmed Maxamuud iyo Abdiwaaxid Axmed Maxamuud (Aspiimo) oo walaalo ah isla markaana mataano ah ayaa kusoo baxay tobonka arday ee ugu horeeya imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland, wiilashan oo kasoo baxay dugsiga sare ee Shiikh Cismaan Qardho ayaa kala galay kaalmaha 2aad iyo 6aad.

Saabiriin Cabdiweli Bashiir iyo Samsam Cabdiweli Bashiir
Saabiriin Cabdiweli Bashiir iyo Samsam Cabdiweli Bashiir

Sidoo kale Saabiriin Cabdiweli Bashiir iyo Samsam Cabdiweli Bashiir oo ah gabdho walaalo ah ayaa iyaguna ku jira tobanka arday ee ugu sareeya imtixaanka, waxayna kala galeen kaalmaha 4aad iyo 10aad, waxay kasoo baxeen iskuulka Najax Boosaaso.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment