Dhuusamareeb: Baarlamaanka Galmudug oo muddo kordhin u sameeyey Madaxweyne Qoor Qoor

Published: September 13, 2022

Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, ayaa muddo kordhin u sameeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa Ajandihiisa waxaa uu ahaa wax ka bedel lagu sameeynayay Dastuurka Galmudug, gaar ahaan muddada xil-heynta xukuumadda.

Xildhibaannada oo sameeyey codeyn gacan-taag ah ayaa hal sano oo dheeri ah ugu daray Madaxweyne Qoor Qoor iyo xukuumaddiisa, waxaana ogolaatay 56 mudane.

Xil heynta madaxweynaha Galmudug ayaa markii hore aheyd 4 sanno, haddase waxa ay noqoneynaa 5 sanno, sida uu ku dhowaaqay Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Barlaamanada Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed & HirShabeelle ayaa horey muddo korarsi noocaan ah Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyadaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *