Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war soo saartay ayaa sheegtay in howlgal ka dhacay Deegaanka Sina-dhaqo ee…
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war soo saartay ayaa sheegtay in howlgal ka dhacay Deegaanka Sina-dhaqo ee Gobolka Galgaduud ee Galmudug ay ku dishay 15 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab.
Dowladda ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga dalka uu dagaal xooggan kala hortagay xubno katirsan Al-Shabaab oo weeraray saldhig Ciidamada Federaalka ay ku leeyihiin deegaankaas.
Dowladda ayaa u mahadcelisay Mareykanka & Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo gacan ku siinaya Ciidanka Federaalka & Kuwa Dowlad Goboleedyada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dalka ka socda.
Warkan ka soo baxay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli gobolada dhexe ee dalka ay socdaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.
Horseed Media