Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya

Published: September 28, 2022
Shares104

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa garoonka diyaaradaha ee Bole kusoo dhaweeyay Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiyi Axmed.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo dalka Itoobiya waxaa la filayaa inuu kulamo la qaato Madaxda dalkaasi ee uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Abiyi Axmed, iyagoo ka wada hadli doona xaaladaha labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Booqashan maanta ayaa ah tii u horreysay ee nooceeda ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku yimaaddo dalka Itoobiya, tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya 15-ka May ee sanadkan.

Horseed Media