Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada kala hadlay gurmadka abaaraha

Published: October 2, 2022
Shares6

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Toronto ee dalka Canada.

Kulanka waxaa kasoo qaybgalay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS, culimo, aqoonyahannada dhallinyarada, haween iyo xirfadlayaal.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur dadkii kulanka ka qeybgalay uga warbixiyay xaaladda dalka, gaar ahaan mushkiladda abaaraha iyo la dagaallanka Al-shabaab.

Ergeyga gaarka ah ayaa jaaliyadda magaalada Toronto ku dhiirrageliyey in ay si mug leh uga qayb-qaataan gurmadka abaaraha, isla-markaana aysan ka baaqsan ka qeyb-qaadashada dagaalka lagula jiro kooxaha argagexisada.

Ergeygu wuxuu sidoo kale jaaliyadda ku boorriyey In ay dawladda Canada culays ku saaraan in ay kordhiso deeqda gurmadka abaaraha ee Soomaaliya siiso.

Horseed Media