Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar ayaa booqday…
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar ayaa booqday deegaannada Mabaax iyo Ceel qooxle oo dhowaan laga xoreeyay kooxda Al-shabaab.
Madaxweynaha ayaa kormeeray deegaanadaan, isagoo halkaas kula hadlay boqolaal ciidamada dib u xureynta deegaanka ah ee Al-shabaab ka saaray deegaannadaan.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay guulaha ay ciidamada dib u xureynta ka soo hoyeen dagaalada lagula jiro Al-shabaab,
Sidoo kale Madaxweyne Cali Guudlaawe waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan dhameystirka howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.
Horseed Media