Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay Al-Shabaab kala wareegtay deegaan katirsan Shabeellada Dhexe

12 January, 2023

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka xoogga dalka ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka Ceel-bacad ee Gobolka…

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka xoogga dalka ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka Ceel-bacad ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa warbaahinta u xaqiijiyey xorreynta degaanka Ceel-bacad.

Ceel-bacad ayaa dhaca xuduuda labada Dowlad goboleed ee Hirshabeelle iyo Galmudug kaas oo ah degaan aad u muhiim ah.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in howlagaladii lagu dagaallamayey Al-shabaab ay weli sidoodii u socdaan.

Horseed Media