Wasiirkii Arrimaha Gudaha Ukraine, ku xigeenkiisii iyo dad kale oo ku dhintay shil diyaaradeed

18 January, 2023

17 qof, oo ay ku jiraan wasiirkii arrimaha gudaha ee Ukraine iyo labo carruur ah ayaa…

17 qof, oo ay ku jiraan wasiirkii arrimaha gudaha ee Ukraine iyo labo carruur ah ayaa ku dhintay Diyaarad Helicopter ah oo ku dhacday deegaanka Kyiv, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine.

Wasiirka arrimaha gudaha Denys Monastyrskyi, ku xigeenkiisa Yevhen Yenin iyo xoghayihii gobolka ee wasaaradda arrimaha gudaha Yurii Lubkovych ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay shilkan, sida uu sheegay Ihor Klymenko, madaxa booliska qaranka ee Ukraine.

Sagaal ka mid ah dadka dhintay ayaa la socday diyaaradii helicopter-ka ee ku burburtay Brovary, oo ah xaafad bari ka xigta caasimadda Ukraine, sida uu sheegay Klymenko.

Sidoo kale shilkan diyaaradeed 22 qof ayaa ku dhaawacmay oo ay ku jiraan 10 carruur ah.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan in shilkaasi uu ahaa shil iyo in uu ka dhashay dagaalka Ruushka ee socda ku dhawaad11-ka bilood.

Horseed Media