Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta sheegtay in Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), ay howlgal ku…
Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta sheegtay in Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), ay howlgal ku dishay xubno katirsan kooxda Al-Shabaab.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Alcaddaala oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay howlgalku inuu ka dhacay degaan lagu magacaabo Warta, taasoo 12km u jirta degmada Janaale.
Hawlgalkan, ayuu sheegay in lagu diley in ka badan 136 xubnood, oo ka tirsan Alshabaab.
Sidoo kale,Wasiir Al-cadaala ayaa sheegay in 98 xubnood oo katirsan Alshabaab, isla goobtii hawlgalka uu ka dhacay lagu dhaawacay.
Dowladda Soomaaliya ayaa waayihii u danbeeyey waxey ciidamadoodu dagaalo culus kula jireen Al Shabaab.
Horseed Media