Galmudug oo sheegtay inay dishay ku dhowaad 60 xubnood oo katirsan Al-shabaab

Published: February 16, 2023
Shares28

Galmudug ayaa sheegtay inay dileen illaa 55 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab, kadib dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Qaycad.

Guddoomiye ku xigeenka Wisil Cabdigaraad Cumar Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in  dhinacooda dagaalka Qaycad ka dhacay ay uga geeriyoodeen illaa 4 Akari kuwo qaar kalena ay uga dhaawacmeen.

Dagaalkii shalay ka dhacay Hawdka Qaycad ee koofurta Gobolka Mudug ayaa waxaa bar bar socday duqaymo ay diyaarado dagaal u geysanayeen Fariisimo Alshabaab ay ku laahaayen degaanka Hawdka Qaycad.

Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya waxaa ka socda howlagallo ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo looga qabsaday deegaano dhowr ah.

Horseed Media