Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay degmada Baardheere

Published: March 14, 2023
Shares2

Qarax baabuur ayaa aroornimadii hore ee saaka lagu weeraray guri ay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ka deganaayeen Masuuliyiin kala duwan.

Gurigan lagu weeraray waxaa degenaa Abaanduulaha qeybta 43-aad ee ciidamada xoogga korneyl Axmed Cabdullaahi Xirsi (labaale), guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Bulle Gareed iyo Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyey in qaar kamid ah ilaaladoodii ay ku dhinteen Qaraxaasi iyadoo dhaawac culus oo soo gaaray guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle.

Ma jiro cid sheegatay masuuliyadda weerarkan iyadoo sidoo kale weli dhinaca dowladdu aysan ka hadlin khasaaraha rasmiga ah.

Horseed Media