Maraykanka oo qiimeyn doona dhaqangelinta heshiiskii nabadeed ee dagaalladii Itoobiya

Published: March 15, 2023

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa lagu wadaa inuu Magaalada Addis Ababa gelinka dambe ee maanta uu la kulmo hoggaamiyeyaasha siyaasadda, si uu u qiimeeyo dhaqangelinta heshiiskii nabadeed ee lagu soo afjaray dagaalladii sokeeye ee Itoobiya.

Sidoo kale Xoghayaha ayaa kulamo la yeelan doonaa shaqaalaha gargaarka iyo kooxaha bulshada rayidka isaga oo kala hadli doona xaaladda bini’aadantinimo ee ka jira halkaas.

Dagaalka sokeeye ee labada sano socday ee u dhexeeyay dawladda federaalka Itoobiya iyo maamulka gobolka Tigreega ayaa loo malaynayaa in ay ku naf waayeen in ka badan nus malyuun qof.

Mr Blinken ayaa u safri doona dalka Niger kadib booqashadiisa Itoobiya halkaas oo uu kala hadli doono dhaq-dhaqaaqa urarada argagixisa ee kusii kordhaya gobolka Saaxil.

Horseed Media