Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhaliiley doorashooyinka qof & cod ee Puntland

Published: May 5, 2023
Shares4

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo maanta khudbad ka jeediyey masaajidka Madaxtooyadda ayaa dhaliiley Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa dhaliiley doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland ee loo madlan yahay 25-May 2023-ka

Madaxweynaha ayaa sheegey in aan laysku raacsanayn doorashooyinka xilligan ka dhacaya dalka.

Sidoo kale waxa uu ka digay in nidaamkii 24-ka sanno Puntland ay ku soo caano-maashey uu ku burburi karo 24 maalmood gudahood, isagoo taas u sababeeyey haddii ay madaxda Puntland iskudaydo hannaan aan heshiis lagu ahayn.

Horseed Media