12 Oktoobar Maalinta Calanka Dalka

Published: October 12, 2023

Maanta waa maalintii calanka Soomaaliya ee buluuga khafiifka ah xiddigta shangeeska ah ee cad dhexda ku leh. Asaaskii calanka qarankeena waxaa ka soo wareegay 69 sano markii la asaasey.

Calanka Waxaa la sameeyey taariikhdu markay ahayd 12kii Oktober 1954tii, waxaana hindisa calanka buulugan ee dhexda xiddigta ku leh iska lahaa ilaahay ha u naxriistee Maxamed Cawaale Libaan. Marxuumka ayaa markii u sameeyey Calanka wuxuu dood dheer la galay dad badan oo ayagu su’aalo ka weydiiyey astaamaha calanka, waxayna dooda ugu weyn ka imaaneysay dhanka Gumeystayaashii oo ayagu markii hore diiday Calanka Buluuga ah.

Maxamed Cawaale Liibaan illaahay Jannadiisa haka waraabiyee wuxuu ahaa nin ay ku weyntahay isla markaana aad u qiimeeya walaaltinimada ummada Soomaaliyeed ee isku ISIR, AF iyo dhaqanba ah, waxaana uu ka tirsanaa halgamayaashii xornima doonka ee SYL.
Goobtii ugu horreysey ee calanka Soomaaliyeeed laga taago waxay ahayd beerta xorriyadda ee Hargeysa 26 Juun 1960.

Kadib burburkii qaranka Soomaaliya waxaa soo baxay in midabka calanka Soomaaliyeed uu noqdo mid qofba waxa uu rabo samaysto isaga oo buluug raadinaaya keliya, laakiin calanku waa buluug khafiif ah oo lamid ah midabka cirka oo aan caad lahayn.

Heesta calanka qaranka ayaa ah:
Qolobaa calankeedu,waa ceynoo,
Innaga keenu waa Cirkoo kale ee,
aan caadna lahaynoo,Ee caashaqa ee.
Xidigyahay caddi waad,Naa ciidamisee,
Carradaa kaligaa aadoow curad ee
cadceeda sideed noo caan noqo eey
Cishadaad dhalataad calooshayadii
Sidii cudaygii ciid aad marisee
Alloow ha ku celin cawooy dhahe eee.

Hambalyo maalinta calanka Soomaaliyeed.

Horseed Media