Soomaaliya Iyo Seerbiya oo kala saxiixday heshiis cusub

28 November, 2024

Heshiiskan cusub ayaa dhigaya sidii Booliska Soomaaliya looga caawin lahaa xirfadaha sugidda amniga

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dalka Seerbiya la saxiixatey Heshiis Isfaham (MoU) si kor loogu qaado wada-shaqeynta booliiska iyo wax ka qabashada caqabadaha amniga.

Labada dal ee Soomaaliya iyo Seerbiya waxaa u dhaxay jirey xiriir iskaashi kaas oo hakad ku yimid kadib burburkii ku dhacay Yugoslavia iyo dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya 1991-kii.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha gudaha Ivica Dačić iyo wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Cabdulahi Sheekh Ismaaciil ayaa si rasmi ah u ansixiyay heshiiskii ugu dambeeyay ee iskaashiga, kaas oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo taageerada labada dhinac si looga hortago khataraha amniga iyo xaqiijinta amniga muwaadiniinta.

Heshiiska yaa qeexaya:

  • Shirar sanadle ah oo joogto ah oo ay yeeshaan saraakiisha Seerbiya iyo kuwa Soomaaliya
  • Barnaamijyo tababar oo dhamaystiran
  • Isdhaafsiga xogta, habaysan iyo khibrad xirfadeed

Wadashaqeynta hadda jirta waxay durba keentay natiijooyin la taaban karo ayaa lagu yiri war ka soo baxay Dowladda Seerbiya. Ilaa hadda, 25 dambi-baarayaal Soomaali ah ayaa ka qayb-galaya barnaamij tababar saddex bilood ah oo degdeg ah oo Seerbiya bixinayso, kaas oo diiradda lagu saarayo ka-hortagga dambiyada iyo hababka la-dagaallanka argagixisada. Tani waxay daba socotaa tababar hore oo sannadkii hore loo qabtay 60 askari oo ka tirsan booliiska Soomaaliya.

Xiriirka diblumaasiyadeed ayaa si isdaba joog ah u socday, iyadoo Soomaaliya ay dib u furatay safaaradeeda Belgrade sanadkii 2021.

Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo wadajir ah, Dačić wuxuu ku nuuxnuuxsaday muhiimada iskaashiga caalamiga ah ee wax ka qabashada caqabadaha amniga ee casriga ah. Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa isna ka hadlay dareenkiisa, isagoo muujiyay ixtiraamka labada ummadood.

“Xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia, waa mid qoto dheer oo soo jiray sanado badan, tallaabada maanta aan ku saxiixnay heshiiskani waxa ay sii xoojin doontaa taageerada iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ay wadaaggaan labada waddan”. ayuu yiri Wasiir Fartaag, isagoo sidoo kale qiraya taageerada joogtada ah ee Seerbiya ay siiso Soomaaliya.

Horseed Media