Daadadka oo xiray qaar kamid ah Garoomada Diyaaradaha

19 November, 2023

Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS  Xil.Ismaaciil Abdirahman Sh.Bashir oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in…

Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS  Xil.Ismaaciil Abdirahman Sh.Bashir oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in qaar kamid ah garoomada diyaaradeed ay u xirmeen daadadka roobka.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay roobka uu sameeyn xooggan kuyeeshay kaabayasha dhaqaale ee ay kamid yihin waddooyinka, garoomada iyo buundooyinka.

Waxa u tilmaamay in ay xiranyihiin oo burbureen garoomada Baardheere iyo Doolow, sidoo kale ay go’day buundadii Baardheere.

Galmudug ayuu sheegay waddooyinka qaar uu roobka sameeyay, waxaa go’day buundada Saqiiro oo kutaal wadada isku xirto Hobyo iyo Gaalkacyo.

Hirshabeelle oo ay saameeyeen roobabka iyo fatahaada, ayaa waxaa go’day waddada xiriirisa Jowhar iyo Muqdisho.

Waxaa xirmay oo ay Biyo fadhiyaan garoonka diyaaradaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Gobollada koonfur Galbeed iyo Puntland ayuu si lamid ah sheegay in roobka uu khasaaro u geysatay.

Waxa uuna ugu dambeyn hay’adaha iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in loo gurmado qoysaska ay roobka uu sameeyay. Dowladuna ay waddo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ku barakacay daadadka iyo fatahaadaha.