Raysal Wasaare Xamse Iyo Safiirka UK Oo Ka Wada Hadlay Midnimada Dhuleed Ee Soomaaliya

10 January, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga faca-weyn ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Ingiriiska.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Ingiriiska uga mahadceliyay taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo is garab taagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed iyo shacab ee Soomaaliya.

Horseed Media