Hay’adda Duulista iyo ICAO oo ka wada-hadlay sidii loo dardargelin lahaa qorshayaasha horumarinta leh

16 March, 2024

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa la kulmay hoggaanka…

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa la kulmay hoggaanka sare ee xafiiska bariga iyo koonfurta Afrika (ESAF) ee Hay’adda duulista Adduunka ee ICAO,iyagoo ka wada-hadlay qorshashayaasha horumarinta u leh Soomaaliya.

Kulanka inta uu socday ayaa la boggaadiyay horumarada ay sida dhaqsada leh u gaartay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, halkaa oo sidoo kale lagu soo bandhigay warbixintii u dambeeysay ee qorsheynta iyo horumarinta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

“ Natiijada kullamadan , waa inan gaarna hiigsiga u sarreeya ee ah horumarka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed inuu noqdo mid wax u tara qarankeenna iyo guud ahaan qaaradda iyo caalamka ,” ayuu yiri Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Axmed Macallin Xasan.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , waxaa kalo ay soo bandhigtay qorshaheeda dhow ee horumarinta qalabka iyo howlwadeennada oo gacan ka gaysanaya dardargelinta qorshaha guud.