Gaza: Tiradda Shacabka Israa’iil xasuuqday oo gaartay 38.100 qof

Published: July 6, 2024

Ugu yaraan 38,100 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 87,705 kalena waa lagu dhaawacay weerarka militariga Israa’iil ee Gaza tan iyo 7dii Oktoobar, wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sidaa sheegtay maanta oo Sabti ah.

Tirada ayaa waxaa ku jira ugu yaraan 87 dhimasho ah 48-kii saac ee la soo dhaafay, ayaa lagu yiri bayaan ay wasaaraddu soo saartay. Kuwaasi oo ay ku jiraan ugu yaraan 2 ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay oo ku sugnaa Bakhaar ay leedahay hay’ada UNRWA oo ku yaal deegaanka Maghazi ee bartamaha Gaza, halkaasi oo ay Israel duqeysay.

Sidoo kale dadka la dilay saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa ku jiray 5 suxufi oo u dhashay Falastiin.

Horseed Media