SSC-Khaatumo oo codsatay in lagu daro shirka golaha wadatashiga qaran

Published: October 5, 2024

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa dalab xasaasi ah u diray dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, kadib markii ay codsadeen in ay qayb ka noqdaan shirka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee Golaha Wadatashiga Qaran.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska hogaamiyaha maamulkaasi Cabdiqaadir Firdhiye ayaa lagu sheegay in SSC-Khaatumo xaq u leedahay in laga talagaliyo arrimaha masiiriga ah ee Soomaaliya, maadaama 6-dii Febraayo 2023 loo aqoonsaday maamul goboleed ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Codsiga SSC ayaa kusoo aadaya iyadoo shirkii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga qaran lagu kala kacay, iyadoo madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam shardi ka dhigay maamulada Puntland iyo SSC la’aantood waxba laga wada hadlin karin.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media