Israel oo duqeyn la beegsatay hogaamiyaha cusub ee Xisbullah

Published: October 5, 2024

Diyaaradaha dagaalka Israel oo habeenimadii jimcaha soo galayey duqeyn xoogan la beegsaday koonfurta Beyruut ayaa la sheegay inay duqeeyeen goob la rumeysan yahay inuu ku sugnaa ninka lagu wado inuu noqdo Hogaamiyaha cusub ee Xisbullah.

Hashem Safieddine oo ah nin ay ilmo adeer yihiin hogaamiyihii la dilay ee Nasrullah ayaa la sheegay inuu ku sugnaa xarun dhufeys ah oo ku taal xaafadda Dahiyeh ee koonfurta caasimada Lubnaan ee Beyruut.

Xisbullah ayaan weli ka hadal duqeyn la sheegay in lala beegsaday Hashem Safieddine oo hada ah madaxda hawlgalinta guud ee Xisbullah, kana mid ah guddiga sare ee ururkaasi.

Ururka ayaan weli si rasmi u dooran hogaamiyaha cusub tan iyo dilkii Nasrullah, balse Safieddine ayaa ah ninka sida weyn loo hadal hayey inuu xilkaasi qabto.

Horseed Media