Saraakiisha Sirdoonka Federaalka ee Ruushka (FSB) ayaa hor istaagay isku day ay Ukraine ku dooneysay in…
Saraakiisha Sirdoonka Federaalka ee Ruushka (FSB) ayaa hor istaagay isku day ay Ukraine ku dooneysay in ay ku abaabusho afduubka diyaaradda Tu-22M3 ee Ruushka, sida ay shaaciyeen maanta oo Isniin ah.
“Sirdoonka Ukraine waxa uu damacsanaa in uu shaqaaleysiiyo duuliye militari oo Ruush ah si uu u helo abaal-marin lacageed iyo bixinta dhalashada Talyaaniga, si ay ugu qanciyaan in uu duuliyo oo uu ku dejiyo Diyaaradan wax duqeysay gudaha Ukraine,” ayaa lagu yiri qoraal lagu shaaciyey website-ka FSB.
Intii uu hawlgalka socday, Ruushku waxa uu helay xog ka caawisay ciidammada Ruushka in ay duqeeyaan garoonka diyaaradaha ee Ozerne ee waqooyi-galbeed ee Ukraine, ayay FSB ku dartay warbixinteeda.
Horseed Media