Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo maanta codeeyay doorashada golaha deegaanka ee degmada Garoowe

23 July, 2024

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta codkiisa dhiibtay Doorashada Golaha deegaanka ee degmada…

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta codkiisa dhiibtay Doorashada Golaha deegaanka ee degmada Garoowe, isagoo ka codeeyay goobta codbixinta ee Iskuulka Ilays.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay in ay maanta ay tahay maalin taariikhi u ah Bulshada Garoowe oo markii u horeysay qof iyo cod ku dooranaya Golaha Deegaanka, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa la wadaagay dareenkiisa bulshada in uu ku faraxsanyhay in uu codkiisa dhiibtay maanta.

Doorashada Goleyaasha deegaanka ayaa maanta ka socota degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godob-jiiraan oo ay kumanaan Dadweyne ah safaf dhaadheer saaka u istaageen in ay codeeyaan.