Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ali Khamenei ayaa tujiyey madaxda iyo kumanaan kun oo shacabka reer…
Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ali Khamenei ayaa tujiyey madaxda iyo kumanaan kun oo shacabka reer Iran oo ka qeyb galay salaada Janaasada ee Marxuum Ismaaciil Haniyeh, hogaamiyihii siyaasadda ee Xamaas oo shalay lagu khaarajiyey magaalada Tehran.
Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ali Khamenei ayaa lagu soo waramayaa inuu amray in Iran si toos ah ugu jawaabto Israel oo lagu eedeeyey duqeyntii lagu dilay Ismaaciil Haniyeh.
Meydka Ismaaciil Haniyeh ayaa maanta loo qaadi doonaa dalka Qatar, halkaasi oo uu degenaa Marxuumka tan iyo sanadkii 2019.
Jimcaha berri ah ayaa lagu wadaa in munaasabada aaska Ismaaciil Haniyeh ay ka dhacdo magaalada Dooxa.
Qaar kamid ah Madaxda ururka Xamaas ayaa caasimada Tehran u tagay inay halkaasi kasoo qaadaan meydka hogaamiyahooda.
Qaar kamid ah dalalka Carabta iyo Turkiga ayey shalay ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeedo Israa’iil.
Horseed Media