Hogaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh oo lagu khaarajiyey Tehran, Iran

Published: July 31, 2024

Weli faah faahin lagama bixin qaabka uu u dhacay weerarka lagu dilay hogaamiyihii siyaasada ee Xamaas, Ismaaciil Haniyeh iyo mid kamid ah illaaladiisa, khaarajintan oo arooryadii hore ee saaka oo Arbaca ah ka dhacday caasimada Iran ee Tehran, ayaa lagu soo beegay saacado kadib markii hogaamiyaha Xamaas ka qeyb galay xaflada caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Iran.

Kulankii shalay ee Ismaaciil Haniyeh iyo Madaxweynaha cusub ee Iran, Masoud Pezeshkian. – Tehran 30 July 2024

Wararka horudhaca ah ee kasoo baxaya warbaahinta Israel ayaa sheegaya in gantaal lagu duqeeyey goobtii uu ku sugnaa hogaamiyaha Xamaas, walow aysan Israel si rasmi ah weli uga hadlin weerarkan.

Jawaabta Iran

Dilka Ismaaciil Haniyey ayey xaqiijiyeen Dowlada iyo laamaha amaanka ee Iran, balse weli ma aysan faahin faahin qaabka uu u dhacay, arrintan oo waji-gabax weyn ku ah dowlada Iran oo dilka ka dhacay dalkeeda.

Waxaa xusid muddan in Madaxweynaha cusub ee Iran Masoud Pezeshkian oo Salaasadii shalay si rasmi ah ulla wareegay xilka, uu yahay siyaasi doonaya inuu hagaajiyo xiriirka Iran iyo reer Galbeedka.

Weerarka lagu khaarajiyey Ismaaciil Haniyeh oo marti u ahaa Iran, ayaa la filayaa inuu meesha ka saaro isu-soo-dhawaan-shihii reer Galbeedka iyo dowlada Iran oo hada ku khasban inay jawaab culus ka bixiso falkan.

Dowladaha Ruushka, Qatar iyo Turkiga oo war deg deg ah kasoo saaray dilka Haniyeh, ayaa si adag u cambaareeyey weerarkan ka dhacay Tehran.

Wada-hadaladii Xamaas, Iran & Mareykanka

Ururka Xamaas oo soo saaray bayaan ayaa ku sheegay dilka Ismaaciil Haniyeh mid aan wax ka bedali doonin dagaalka ay kula jiraan Israel.

Dhinaca kale falkan ayey Israel kusoo beegtay xili la hadal hayey inay socdaan wadahadalo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalka ka socda Gaza.

Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu oo isagu kasoo horjeeda joojinta dagaalka Gaza ayaa la filayaa inuu falalkan uga gol leeyahay inuu carqaladeeyo wadahadalada socday oo uu qeyb ka ahaa Mareykanka iyo waliba xiriirka Madaxweynaha Cusub ee Iran iyo Mareykanka.

Duqeyntii Beyruut iyo Jawaabta Xisbullah

Duqeyntii koonfurta Beyruut ee Israel la beegsatay sarkaalka militari ee Xisbullah Fuad Shukr -30 July 2024

Weerarkan khaarajinta ayaa yimid saacado kadib markii Israel ay sidoo kale diyaarad drone ah ku duqeysay koonfurta magaalada Beyruut ee caasimada dalka Lubnaan, weerarkaasi oo ay la damacsaneyd inay sidoo kale ku khaarajiso mid kamid ah saraakiisha militariga Xisbullah oo lagu magacaabo Fuad Shukr.

Xisbullah ayaa la filayaa inay jawaab ka bixiso duqeynta xalay la beegsaday koonfurta Beyruut oo ah halka xarunta u ah ururkaasi.

Taariikhda Ismaaciil Haniyeh

Ismaaciil Haniyeh ayaa ku dhashay xerada Qaxootiga ee Al Shati ee ku taal Gaza, sanadkii 1962dii. Wuxuuna ku biiray isagoo dhalinyaro ah dhaq dhaqaaqii islaamiga ahaa ee ururada ardayda Falastiin, isagoo marar badan galay xabsiga Israel, intuu ahaa arday.

Wuxuu Jaamacadda ka qalin-jabiyey sanadkii 1987, xiligaasi oo uu dhulka Falastiin ka bilowday kacdoonkii kowaad shacabka Falastiin ee Intifada.

Hogaamiyahan ayaa kamid ahaa aasaasayaashii dhaq dhaqaaqa Xamaas.

Sanadkii 2003, ayuu ka bad-baaday isaga iyo aasaasihii ururka Xamaas Shiikh Axmed Yassin weerar ay Israel damacsaneyd inay ku khaarajiso.

Haniyeh ayaa soo caan baxay kadib markii xisbiga Xamaas ku guuleystay doorashadii ka dhacday Gaza 2006.

Ismaaciil Haniyeh oo hogaanka siyaasadda Xamaas qabtay sanadkii 2017, ayaa horey usoo noqday Raysalwasaaraha maamulka Falastiin, wuxuuna tan iyo sanadkii 2019 ku noolaa magaalada Dooxa ee caasimada Qatar.

Bishii Abriil, Israel ayaa duqeyn la beegsatay wiilasha uu dhalay Ismaa’iil Haniyeh, kuwaasi oo ku sugnaa marinka Gaza, duqeyntaasi ayey sidoo kale ku dhinteen caruur uu awoowe u ahaa. Weerar labaad oo ay Israa’iil la beegsatay qoyska Ismaaciil Haniye ciidii lasoo dhaafay ayaa lagu dilay walaashiis iyo qaar kale oo kamid ah qoyskiisa ku noolaa Marinka Gaza.

Horseed Media