Ismail Haniyeh oo sheegay in dilka wiilashiisa aysan waxna ka bedalayn go’aanka Xamaas

Published: April 11, 2024
Shares8

Weerarkii shalay ay ciidamada Israel ku dileen sadex wiil oo uu dhalay hogaamiyaha Siyaasada ee Xamaas, Ismail Haniyeh ayaa la sheegay inuu caqabad kale ku noqday wadahaladii iyo waan waantii lagu doonayey in lagu dhawaaqo xabad-joojinta dagaalka Gaza.

Duqeyntii maalintii Ciida ka dhacay Waqooyiga Gaza ayaa lagu dilay Amir, Mohammad iyo Hazem oo uu dhalay Ismail Haniyeh, waxaa weerarkaas sidoo kale lagu dilay 4 ciyaal uu awoowe u ahaa hogaamiyaha siyaasada Xamaas.

“Cadowgu wuxuu ku jiraa khiyaali haddii ay u malaynayaan in beegsiga wiilasheyda wax ka bedalayso siyaasadeena, xili meel xasaasi ah uu marayo wada xaajoodka, tani ma noqonayso mid ku riixi doonto Xamaas inay beddesho mowqifkeeda,” ayuu yiri Haniyeh.

Shuruuda Xamaas ayaa ah in la soo afjaro weerarka Israa’iil, ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ee Qaza iyo ogolaanshaha Falastiiniyiinta ka barakacay inay ku laabtaan guryahoodii.

Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayey maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaayeen wafuuda ka kala socda Xamaas iyo Sirdoonka Israel oo ay dhex-dhexaadinayaan Mareykanka & Qatar, waxaana weli wax natiijo ah kasoo bixin wadahadaladaasi.

Horseed Media