Anthony Blinken, xoghayaha arrimaha dibada ee Mareykanka ayaa Isniintii gaaray magaalada Tel Aviv. Wafdiga ka socda…
Anthony Blinken, xoghayaha arrimaha dibada ee Mareykanka ayaa Isniintii gaaray magaalada Tel Aviv.
Wafdiga ka socda Mareykanka ayaa Barriga dhexe u yimid dadaalkii ugu danbeeyey ee lagu doonayo dhaqan-gelinta xabad-joojinta dagaalka Gaza.
Wadahadaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay magaalada Doxa khamiistii lasoo dhaafay ayaan lagu guuleysan in lagu heshiiyo.
Khamiista soo socota ayaa lagu wadaa in markale ay dhinacyada ku kulmaan magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Xamaas ayaa ku eedaysay Raysalwasaaraha Israel, Netanyahu inuu sharuudo kale hordhigay heshiiska, isagoo diidan dhaqan-gelinta xabad-joojinta.
Xukuumada Mareykanka ayaa dhinaca kale doonaya in xabad-joojintan ay xal u noqoto cabsida laga qabo duulaan aargoosi ah oo ka yimaada dhanka Iran.
Mareykanka oo taageerada militari siiya Israel, ayaan ku guuleysan illaa iyo hada inay Israel ku cadaadiyaan aqbalida xabad-joojinta, iyadoo sii wada xasuuqa Gaza iyo duqeynta Koonfurta Lubnaan & Siiriya.
Horseed Media