Hogaamiyaha ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan Xasan Nasrallah ayaa faah-faahin ka bixiyey duqeymihii ay Axadii la…
Hogaamiyaha ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan Xasan Nasrallah ayaa faah-faahin ka bixiyey duqeymihii ay Axadii la beegsadeen saldhigyada militariga Israel.
Weerarkii Xisbullah ay ku duqeysay Saldhigyada Militariga ee waqooyiga dhulka Israel heysato ayaa jawaab u ahaa dilkii hogaamiyihii militariga ee kooxdaasi Fuad Shukr.
Fuad Shukr ayaa lagu dilay duqeyn ay Israel ka geysatay koonfurta magalaada Beyruut dhamaadkii bishii Luulyo, iyadoo muddo bil ah la sugayey jawaabta kooxdaasi.
Duqeymihii subaxnimadii axadda ayey kooxda diirada ku saartay xarumaha difaaca cirka ee Israel, iyagoo kadibna diyaaradaha drone-ka ku duqeeyey labo saldhig oo ay leeyihiin sirdoonka militariga Israel iyo Mossad.
Nasrallah oo saacado kadib hadlay duqeynta ayaa sheegay inay go’aansadeen inaysan bartilmaamsan deegaanada ay shacabka ku nool yihiin sida magaalada Tel Aviv iyo xarumaha rayidka sida madaarka Israel ee Ben Gurion Airport.
Kooxda Xisbullah ayaa sheegtay inay duqeymahan u adeegsadeen in ka badan 300 gantaal iyo diyaaradaha drone-ka, waxayna sheegeen in weerarkan uu yahay kii koowaad ee jawaabtooda, iyagoo sii-saadaaliyey in weerarkooda uusan halkaasi joogsan doonin.
Horseed Media