Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay xoghayaha Urur Goboleedka IGAD

Published: September 16, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee Soomaaliya iyo IGAD, xasilloonida Gobolka iyo isbedalka Cimillada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xoghayaha la wadaagay guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay dhimacyada amniga, dagaalka Argagixisada, dhaqaalaha iyo dowlad-wanaagga, waxa uuna adkeeyay muhiimada ay gobolka u leedahay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka, si loo gaaro qorsheyyaasha horumarineed ee heer gobol.

Dhankiisa, Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu ayaa soo bandhigay Istaraatiijiyadda guud ee IGAD ee gobolka, gaar ahaan ilaalinta nabad-galyada iyo horumarka gobolka.

Horseed Media