Dacwad Lagu soo Oogay Sarkaal Turki ah oo Madaxa ka ah qaybta shaqaalaha Shirkada Favori.

Published: September 17, 2024
Xeer Ilaaliyaha Qaranka Sulaymaan Maxamed

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa xiray islamarkaana dacwad ku soo oogay islamarkaana Maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay Madaxii Shaqada iyo Shaqaalaha ee Shirkadda Favori oo u dhashay dalka Turkiga.

Ninkan oo lagu magacaabo Ertugrul Kafariyel ayaa ku eedeysan inuu ku xad-gudbay xeerka shaqada, dhaqanka suuban iyo ku takrifal awoodeed oo muwaadiniin Soomaaliyeed uu kula kacay.

Sida lagu sheegay qoraalka xeer ilaaliyaha Maxkamada gobolka Banaadir ayaa ku qanacday cadaymaha hordhaca ee loo soo gudbiyay, waxayna amartay in xabsiga si kumeel gaar ah loogu hayo.

HORSEEDMEDIA