Guddiga PEC iyo Xisbiyadda Puntland oo la kulmay safiirka Midowga Yurub

Published: September 18, 2024

Xisbiyada Siyaasadda Puntland ayaa kulan kula yeeshay Xarunta dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Puntland Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mrs. Karin Johannson oo booqasho ku joogta Puntland.

Intii kulanku socday waxay xisbiyadu uga warbixiyeen sooyaalkii Iyo halgankii ay Xisbiyadu usoo galeen Guuilihii Laga gaaray Doorashadii Dowladaha hoose ee Puntland iyagoo sidoo kale uga Mahadnaqay taageerada midowga yurub ee Nidaamka Dimuqraadiyeynta Puntland.

Ugu danbayn kulanka oo ay goobjoog ahaayeen Masuuliyiin kasocotay 7 Xisbi Siyaasadeed iyo mudanayaal kulanka ku weheliyey safiirka ayaa hoosta looga xariiqay mudnaanta Xoojinta Nidaamka dimuqraadiyadda Puntland ee Xisbiyada Badan.

Horseed Media