Puntland oo qabatay mid kamid ah burcad badeedii qabsaday markabkii MV Abdalla

Published: September 27, 2024

Ciidanka Booliiska Puntland ee degmada Eyl ayaa qabtay Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle), oo la sheegay inuu kamid ahaa burcad badeedii qabsaday markabkii MV Abdalla ee laga lahaa dalka Bangaladesh.

Ciidanka oo lasocday xogta eedaysane Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle) ayaa ku qabtay Xeebaha dhaca degmada Eyl iyo Deegaanada ku xeeran oo uu ku dhuumaalaysanayey.

Markabka MV Abdullah ayaa la afduubay 12 March 2024 ayaa la siidayay 13 April, kaddib markii laga qaatay lacag madax furasho ah oo gaaraysa 5 malyan oo doolar.

Horseed Media