Taliyihii Ciidanka Booliska oo wasiir ku-xigeen loo magacaabey

Published: September 26, 2024

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ku sugan dalka Maraykanka ayaa taliyaha Booliska Soomaaliyeed Sareeye gaas Sulub Axmed Firin u magacaabey wasiir ku-xigeenka Wasaaradda gaadiidka duulista hawada, kadib markii maalintii shalay xilka laga qaadey.

Sulub Axmed Firin ayaa xilka taliyaha Booliska loo mgacaabey 23 Janaayo 2023. Magacaabistiisa kahor wuxuu Sulub Axmed Firin ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Duulista ee xukuumadda Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, halkaas oo hadda dib loogu celiyey.

Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliyeed yaa loo wadaa in loo magacaabo Gen Asad Cismaan Cabdullaahi, oo horey ugu tartamey xilka Madaxweynaha Puntland marna soo noqdey Taliyaha ciidamada gaarka ah ee PSF

HORSEED MEDIA