Madaxweyne Xasan Shiikh oo magacaabay la-taliyayaal sare oo arrimaha dimuqraadiyadda iyo federaalka ah

Published: September 25, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Labo La-Taliye Sare oo kaalin weyn ka qaadan doona hirgelinta qorsheyaasha muhiimka ah ee dowladnimada, Dimuqraadiyadda, iyo Federaalka.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Axmed Jaamac Maxamed Cillal in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Dimuqraadiyadda iyo Dowlad Wanaaga, halka Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan uu u magacaabay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Federaalka.

Labadan Lataliye oo leh khibrad sare iyo waayo-aragnimo ku saabsan dowlad wanaagga iyo Federaalka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu kula dardaarmay in ay si hufan uga soo baxaan shaqada ay ka sugayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Masuuliyiinta la magacaabay ayaa kamid ahaa musharaxiintii madaxtinimada Puntland kula tartamay madaxweynaha hadda jooga Saciid Cabdullaahi Deni.

Horseed Media